Koome:Kuma talin in ardayda la garaaco

0
255

Madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya inay taageersan tahay in la soo celiyo garaacidda ardayda .
Waxay hoosta ka xarriiqday in la buunbuuniyay dareen ay arrinkan ka muujisay.
Koome oo carrabka ku adkeysay inay qasab tahay in ardayda ay u hoggaansamaan habdhaqanka laga doonayo ayaa tilmaantay in garaacidda ay sharci darro tahay sidaas awgeedna qaab edbin ahaan loo adeegsan karin.
Madaxa cadaaladda dalka waxay xustay inay difaacdo xuquuqda carruurta oo aynan marnaba garab siin karin nidaamkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here