Warbixin dhawaan la soo saaray oo lagu qiimeynayay heerka cudurka HIV ee dalka ayaa shaaca looga qaaday in ismaamulka Nairobi ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan ee uu saameeyay AIDS-ka.
Dadka la nool xanuunkan ee gudaha caasimadda wadanka ayaa lagu sheegay 167,446 oo qof.
Waxaa warbixinta lagu xusay in sanadkii 2020-kii la diiwaangaliyay qiyaastii 4,446 oo kiisas cusub ah.
1,475 ka mid ah tiradan ama boqolkiiba 33 waxaa laga helay dhallinyarada ama dadka qaangaarka ah.
Agaasimaha guud ee maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee Nairobi ee NMS Maxamad Badi ayaa sheegay in la dajiyay tallaabooyinka lagu yareynayo xaaladda xanunkan HIV/AIDS-ka.
Waxaa uu tilmaamay sida ku qeexan qaabka istaraatiijiga ee xanuunka AIDS-ka ee Kenya sanadaha 2020/2021, ismaamulka Nairobi in ay ka go’an tahay in sanadkan lagu guulaysto bartilmaameedka ah boqolkiiba 95-95-95 si sanadka 2030-ka loo ciribtiro cudurka la isku gudbiyo ee HIV-da.
Bartilmaameedyada boqolkiiba 95-95-95 ayaa waxay iskugu jiraan in boqolkiiba 95 dhammaan dadka qaba xanuunka la baaro, in 95 boqolkiiba kuwa laga helay la siiyo daaweyn caawin karo iyo in boqolkiiba 95 kuwa la daweeyay laga yareeyo halista fayraska sanadka 2030-ka
Mr.Badi ayaa sido kale laga soo xigtay in ilaa hadda maamulka NMS uu dhisay 24 isbitaal oo cusub oo ay u dhamaystiran yihiin qaybaha ka hor tagga iyo xakamaynta xanuunka HIV/AIDS-ka si loo dhiirigaliyo in dhallinyarada si gaar ah ay iska baaraan xanuunka.
Waxaa uu sido kale sheegay in NMS ay ka shaqeyneyso sidii kor loogu qaadi laha barnaamijyada wacyigelinta iyo taageerrada bulsho ee dhallinyarada si loo xalliyo gaabadka fahamka ay ka haystaan siyaabaha looga hor taggo uur qaadidda iyo waxyaabaha kale ee la xiriira cudurka HIV.