Xoghayaha COTU oo sheegay in Ruto uunan dalka hoggaamin doonin

0
634

Xoghayaha guud ee daladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli ayaa sheegay in uunan ogeyn cida talada dalka la wareegaysa sanadka 2022-ka hasa ahaate uu ogyahay siyaasiga aan xilkan qaban doonin.
Xilli uu xalay u warramay telefishinka maxalliga ee Citizen TV, ayuu Mr. Atwoli sheegay in madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto looga baahan yahay inuu raadsado la taliyaal wanaagsan oo siyaasadeed .
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu rajeynayo in William Ruto uu si buuxda madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ugu taageero fulinta mashaariicda horumarineed.
Francis Atwoli oo wax laga weydiiyay taageerada siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa xusay in tani aynan ka dhignayn in la dooran doono.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in codbixiyayaasha dalka ay ugu dambeyn u codeyn doonaan qofka ay ku qanacsan yihiin siyaasadiisa .
Xoghayaha guud ee COTU ayaa tusaale u soo qaatay Kenneth Matiba oo uu sheegay in uu madaxweyne noqon lahaa hadii taageeraayaal uu siyaasiyigu haysto jago lagu helaya .