IEBC oo sheegtay in musharrax madaxweyne laga doonayo 2000 oo saxiix aqlabiyadda ismaamullada

0
553

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa faray dhammaan musharrixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee dalka looga baahan yahay ugu yaraan saxiixyada 2000 oo ka mid ah codbixiyeyaasha diiwangashan.
Waxaa laga doonaya aqlabiyadda oo ah 24 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu wadanka ka kooban yahay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wakiillada matalaya musharrixiinta uu guddiga IEBC maanta la kulmay ay haystaan ka hor saqda dhexe ee caawa si ay u soo gudbiyaan saxiixyada.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay in tani ay awood u siineyso guddiga doorashada in ay billaabaan howsha xaqiijinta ka hor doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu guddoomiyaha IEBC hadalkan ka sheegay kulan ay ka soo qayb galeen wakiilo matalay musharrixiinta kala duwan ee doonaya inay qabtaan hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.
Kulankan ayaa maanta ka dhacay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Madaxa xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga ayaa waxaa kulankan ku matalayay qareen Paul Mwangi.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ahna musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA iyo isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa waxa kulanka IEBC ku matashay xoghayaha guud ee xisbigan Veronica Maina.
Kulanka uu guddiga IEBC maanta la qaatay wakiillada matalaya musharrixiinta xilka madaxtinimo ee doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan ayaa kusoo aadaya iyadoo lagu wado in inta u dhexeysa 29-ka bishan Shanaad ee May ilaa 7-da bisha June uu diiwaangelin doono musharraxiinta u tartamaya xilalka kala duwan ee hoggaanka.