Barasaabka Kakamega oo ka hadlay xil uu Raila u ballanqaaday

0
403

Guddoomiyaha ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in haddii doorashada 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan uu ku guulaysto musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga, uu diyaar u yahay inuu noqdo wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu Odinga qorshahan shaaca ka qaaday.
Oparanya oo rajo wanaagsan ka muujiyay in Mr. Odinga uu la wareegi doono talada wadanka ayaa uga mahadceliyay jagada uu uga ballanqaaday maamulkiisa mustaqbalka.
Guddoomiyaha Kakamega ayaa dhanka kale sheegay in loo baahan yahay isbeddel dib loogu soo kabaya dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale waxaa uu bogaadiyay go’aanka uu Raila Odinga ku xigeenkiisa ugu soo xushay Martha Karua tallabadaasi oo uu ku tilmaamay mid sharaf u ah dumarka.