DHAGEYSO:Urur soo jeediyay in 25 siyaasi laga hor istaago inay xil hoggaan u tartamaan

0
460

Ururka qaran ee hufnaanta ee National Integrity Alliance (NIA) oo ay ku mideysan yihiin hay’adaha u dooda xuquuqul aadanaha, maamul wanaagga iyo arrimaha bulshada ayaa ku talinaya in siyaasiyiin ay ka mid yihiin xildhibaanka deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri oo la qorsheynaya inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo Ruto, Rigathi Gachagua iyo barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko loo diido inay u tartamaan qabashada xilalka hoggaanka ee bulshada loogu adeego.
Arrintan ayay NIA u aaneysay in mas’uuliyiintan aynan buuxin shuruudaha dhinaca hufnaanta ee laga doonayo hoggaamiyaha wanaagsan maadaama ay ku eedeysan yihiin maamul xumo iyo lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Waxaa liiskan ka mid ah guddoomiyaha dowlad deegaanka Kirinyaga Ann Waiguru, barasaabka Garissa Cali Bunow , dhigiisa Wajeer Maxamad Cabdi , barasaabka Tana River Dhadho Godhana ,barasaabka Busia Sospeter Ojamoong , guddoomiyaha Lamu Fahim Yasin Twaha,dhigiisa Tharaka Nithi Muthomi Njuki, xildhibaannada Malindi Aisha Jumwa, mudanaha bariga Embakasi Babu Owino,guddoomiyihii hore ee Nairobi Evans Kidero, senatarka Kakamega Cleophas Malala,Didmus Barasa oo ah mudanaha deegaanka Kimilili, dhigiisa Emurrua Dikir Johanna Ng’eno, John Walukhe (Sirisia ) Senatarka Nandi Samson Cherargei iyo kuwo kale.
Ururka qaran ee hufnaanta ayaa bayaan ku sheegay inuu si dhow isha ugu hayay qaabka loo dhaqangelinaya cutubka 6-aad ee dastuurka dalka oo qeexaya shuruudaha hoggaamineed iyo hufnaanta ee looga baahan yahay mas’uulka balse ay jiraan siyaasiyiin sharraxan horayna loola xiriiriyay falalka wax isdaba marinta.
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta shalay qabtay shirka jaraa’id ee ay baaqan ka soo saareen ayaa hadalkiisa sidatan u dhigay.

Hay’adaha ayaa sheegay in xogtan ay ka soo xigteen warbixiino lagu kalsoonaan karo oo ay ka heleen hay’adaha dambi baarista wadanka sida DCI,EACC ODPP iyo kuwo la mid ah.