DHAGEYSO:Raila oo ballanqaaday inuu xiri doono shakhsiyaadka lunsado kheyraadka dadweynaha

0
276

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua oo shalay isku soo bax siyaasadeed ku qabtay ismaamulka Narok ayaa sheegay in haddii 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ay qabtaan hoggaanka dalka ay si wayn ula dagaallami doonaan musuqmaasuqa.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in musuqa uu dib u dhac ku keenay horumarka dalka sidaas awgeedna loo baahan yahay in la cirib tiro.
Kulanka shalay oo ahaa midkii ugu horreeyay ee ay si wadajir ah u qabtaan Raila iyo Karua tan iyo markii uu magacaabay Isniintii hore ayuu ka sheegay in sanad kasta falalka musuqmaasuqa wadanka looga lunsado dhaqaale dhan 700 oo bilyan oo shilin.

Barasaabka ismaamulka Kitui Charity Ngilu iyo xildhibaannada galbeedka Samburu Naisula Lesuda ayaa soo dhaweeyay in Raila uu garabsaday Karua iyagoo sheegay inay wax badan ku soo kordhin doonto maamulkiisa.

Waxaa uu qorshuhu yahay in ololaha siyaasadeed ee Raila uu u gudbo gobolka galbeedka wadanka si uu taageero uga raadsado shacabka ismaamullada Kakamega, Trans Nzoia, Bungoma ,Vihiga iyo Busia.
Dhanka kale hoggaamiyeyaasha isbeheysiga Kenya Kwanza sida madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi oo isku soo baxyo siyaasadeed ku qabtay dowlad deegaannada Uasin Gishu iyo Nakuru ayaa dadweynaha ugu baaqay inay nabadda ku dadalaan iyagoo dhanka kale dhaliilay garabka siyaasadeed ee Azimio La Umoja.