Kenya oo marti gelinaysa shir ku saabsan wax soo saarka qaxwada

0
415

Waxaa la filayaa in laga billaabo 25-ka ilaa 27-ka bishan May dalka lagu qabto shirweyne ay ka qayb galayaan hoggaamiyeyaasha 25-ka waddan ee qaaradda ugu horreeya soo saaridda qaxwada ee G25 African Coffee Summit (ACS) .
Hal ku dhigga kulanka ayaa ah horumar joogto ah iyo kobaca dhaqaale ee waaxda qaxwada Afrika.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda horumarinta dalagga iyo cilmi baarista beereed Dr. Francis Owino ayaa sheegay in shirka uu yahay fursad looga wada hadli karo caqabadaha ku xeeran wax soo saarka qaxwada ee qaaradda.
Waxaa uu intaasi ku daray in sanadkii 2016-kii ilaa sanadkii hore , Kenya ay dibadda u dhoofisay 58,424 taan oo qaxwo saafi ah.
Dr.Francis ayaa xusay in badeecadan loo iibgeeyay 11 ka mid ah dalalka caalamka.
Dhaqaalaha ka soo xaroodo iibinta qaxwada ayuu xoghayaha sheegay inay nolol ahaan ku tiirsan yihiin ilaa 10 milyan oo qof.
Kenya ayaa hay’adda waddamada Afrika ee soo saaro qaxwada ee (IACO) xubin ka ahayd tan iyo sanadkii 1960-kii.
Xubnaha hay’addan oo xilligaasi ahaa 11 ayaa hadda ah 25.