Waalidiinta Likoni oo looga digay inay qariyaan carruurta burcadda ah

0
257

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Mombasa John Otieno ayaa digniin u diray qaar ka mid ah waalidiinta deegaan baarlamaneedka Likoni.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday inay jiraan waalidiin aan laamaha ammaanka ku wargelin carruurtooda qaybta ka ah falal dambiyeedyada.
Waxaa uu Otieno sheegay in haddii waalidka uu iskudayo inuu badbaadiyo canuguusa oo burcad ah in isagana la xiraya oo lagu soo oogaya dacwad ah inuu fal dambiyeed garab ku siiyay.
Mas’uulkan ayaa walaac ka muujiyay inay kordheen falalka loo adeegsado carruur qaarkood ay da’doodu tahay 12 sano oo shacabka weerarro u gaysta.