DHAGEYSO:Mike Sonko oo sheegay inuu sii wadi doono ololihiisa Mombasa

0
339

Barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko oo doonaya inuu u tartamo xilka guddoomiyaha dowlad deegaanka Mombasa ayaa sheegay inuusan joojin doonin ololihiisa siyaasadeed.
Waxaa uu dhaliil u jeediyay madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome iyo agaasimaha waaxda dacwad oogidda Nuurdiin Xaaji oo uu sheegay inay isku dayayaan inay ka hor istaagaan u tartamidda jagada barasaabka Mombasa iyagoo cuskanaya in horay xilka qaadis loogu sameeyay.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxa cadaaladda dalka Martha Koome ay sheegtay in mas’uul horay xil looga xayuubiyay uunan tartami karin ilaa iyo uu ka soo baxaya amar maxkamadeed oo go’aankaasi burinaya.
Hasa ahaate Mike Sonko oo arrintan kaga jawaabay wareysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda Sauti ya Pwani ayaa yiri.