Guddiga qaabilsan xallinta murannada siyaasadeed ayaa xisbiga Jubilee amar ku siiyay inuu mar kale qabto doorashadii isreebreebka ahayd ee deegaan baarlamaneedka Naivasha oo ka tirsan ismaamulka Nakuru.
Tani ayaa timid ka dib markii guddigu uu waxba kama jiraan ka soo qaaday xulashadii Ndegwa Nguthiru.
Maamulka Jubile ayaa haysta muddo labo toddobaad ah oo uu ku fulinaya amarka maxkamadda.
Go’aanka maxkamadda ayaa soo baxay ka dib dacwad uu geeyay qareen lagu magacaabo Njoroge Ngigi oo ku doodayay in dadka ku nool Naivasha aan fursad loo siin adeegsiga xuquuqdooda dimuqraadiyadeed.