Madaxa cadaaladda dalka oo faahfaahisay caqabadaha ay la kulantay muddo hal sano ah

0
367

Madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome oo wareysi gaar ah siisay idaacadda Spice FM ayaa sheegtay in muddo hal sano ah oo ay xilkan haysay ay wajahday dhibaatooyin dhinaca tasiilaadka ah.
Waxay tusaale u soo qaadatay mudadii dheerayd ee ka soo wareegatay magacaabidda 40 garsoorayaal ah taasoo khilaaf ka dhex abuurtay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxii hore ee cadaaladda David Maraga.
Garsoore Koome ayaa sheegtay in arrintan ay dib u dhac ku keentay helidda cadaaladda maadaama uu madaxweynaha dalka magacyada 34 garsoorayaal ah ku soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda bishii Lixaad ee sanadkii hore in kastoo ay ahayd inuu magacaabiddan sameeyo 2019-kii.
Sidoo kale waxay ka hadashay xaaladda kaabayaasha waaxda garsoorka dalka oo ay sheegtay inay dhanka horumarka ku dambeysay 30-kii sano ee la soo dhaafay.
Koome ayaa carrabka ku dhufatay inaynan arrin fudud ahayn in maxkamadda ay ku shaqeyso tiro garsoorayaal oo ah boqolkiiba 54.
Iyadoo arrintan faahfaahin ka bixinaysa ayay sheegtay in loo baahan yahay in maxkamadda sare ee dalka ay ka howlgalaan 200 oo garsoorayaal ah balse ay tiradan tahay keliya 70.
Tirada la doonayo inay ka shaqeeyaan maxkamadda racfaanka ayay madaxa cadaaladda wadanka ku sheegtay 30 xaakin in kastoo tiradan ay hadda tahay 20.
Koome ayaa laga soo xigtay in keliya maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ay ka shaqeeyaan tirada la doonayo oo ah toddobo garsoorayaal.
Waxay sheegtay inay lagama maarmaan tahay adeegsiga qorsho ballaaran oo wax looga qabanaya dib u dhaca dhanka horumarka ee waaxda garsoorka wadanka si loo xalliyo murannada loona helo cadaalad la xiriirta ganacsiga.
Dhanka miisaaniyadda waxay tilmaantay inay ku dadaali doonaan sidii dhaqaale dheeraad ah loogu qoondeyn lahaa in kastoo ay jiraan arrimo badan oo ay dowladdu maalgelinayso.
Waxay sidoo kale sheegtay in markii ay xilka qabatay sanad ka hor ay xoogga saartay yareynta tirada kiisaska ee maxkamadaha hor yaallay.
Madaxa cadaaladda dalka ayaa intaasi raacisay inuu wada hadal kala dhexeyo agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji si xal loogu helo maareynta dacwadaha musuqmaasuqa oo ay ka mid tahay in qofka uu bixiyo lacagta dadweyne ee uu lunsaday.
Xilli su’aal laga weydiiyay hoggaamiyaasha xilalka laga xayuubiyay , ayay madaxa cadaaladda dalka ku jawaabtay in amarka xil ka qaadista uu shaqeynaya ilaa iyo inta ay maxkamad dhinac iskaga dhigaysa.
Waxay ku celcelisay in kenyaanka ay xaq u leeyihiin la xisaabtanka waaxda garsoorka ee dalka hasa ahaate loo baahan yahay isbeddel bulsho si wax looga beddelo hannanka caddaaladeed.