Isku duwaha dowladda dhex ku matalo gobolka Rift Valley Macallin Maxamad ayaa sheegay inay ka go’an tahay sugidda amniga ismaamullada hoos tago gobolkaasi ka hor xilliga doorashada iyo marka codeynta laga gudbo ka dib.
Waxaa uu xusay inay dowlad deegaannada kala duwan ay ka wadaan kulamo wacyi gelin ah.
Macallin Maxamad ayaa ku celceliyay in qof kasta u uxor u yahay muujinta aragtidiisa siyaasadeed iyo raadinta taageerada shacabka balse aynan marnaba oggolaan doonin adeegsiga rabshadaha iyo kicinta dadweynaha.
Dhallinyarada ayuu u diray farriin gaar ah isagoo cidii doonaysa inay u horseedo ka qayb qaadashada rabshadaha u sheegay inay ka dalbadaan in qofkaasi uu marka hore fikirkaasi ka soo dhaadhiciyo carrurtiisa iyo ehelkiisa.