Gideon Moi oo sheegay in KANU ay weli ka tirsan tahay Azimio

0
616

Madaxa xisbiga KANU ahna senatarka  ismaamulka Baringo Gideon  Moi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in xisbi ahaan ay weli ka mid yihiin isbeheysiga Azimio.
Waxaa uu xusay in ka  mid ahaanshaha KANU ee Azimio La  Umoja ay tahay mid sugan oo aan  laga laaban doonin.
Mr. Moi ayaa  sheegay inay diyaar u yihiin inay cid kasta soo dhaweeyaan si uu 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan  uu hoggaanka dalka  ugu guulaysto Raila Odinga.
Xubnaha ka tirsan  xisbiga  KANU  ayuu  Gideon Moi  kula taliyay inaynan marnaba ka  lala-labeyn taageeridda Mr. Odinga.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii madaxa xisbiga Wiper  Kalonzo Musyoka oo ay KANU ka wada  tirsanayeen  isbeheysiga OKA uu shaaciyay inuu Azimio iskaga baxay maadaama aan loo soo xulan ku xigeenka Raila Odinga.