Dowladda ismaamulka Garissa ayaa sheegtay inay tallaashay in ka badan 48,000 oo xoolo ah gaar ahaan ariga.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ismaamulka Garissa iyo hay’adda Save the Children International ay barnaamijkan si wadajir ah u daahfureen.
Agaasimaha waaxda xannaaneynta xoolaha ee Garissa Dr. Haret Hambe ayaa sheegay in tallaalka ariga ee ka dhanka ah cudurka furuqa oo ka billowday deegaanka Balambala la filayo in lagu haleelo bartilmaameedsigii la qorsheeyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in guud ahaan ismaamulka Garissa la rajeynaya in lagu tallaalo ugu yaraan 600,000 oo xoolo ah.