Taageerada Raila oo korortay ka dib markii uu xushay Karua

0
319

Shirkadda darasaadka sameysa ee TIFA ayaa sheegtay in taageerada siyaasadeed ee madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ay sare u kacday tan iyo Isniintii oo uu Martha Karua u soo magacaabay ku xigeenkiisa haddii bisha Siddeedaad uu qabto hoggaanka wadanka.
Waxaa dhanka taageerada Raila soo raaca musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto oo ku xigeenkiisu yahay xildhibaanka deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri Rigathi Gachagua.
TIFA ayaa taageerada Raila ku sheegtay boqolkiiba 39 halka Ruto uu haysto boqolkiiba 35.
Waxaa nambarka saddexaad ku jiro madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka oo haysta boqolkiiba 2.
Madaxa darasaadka ee shirkaddan Tom Wolf ayaa laga soo xigtay in caannimada Raila ay sare u kacday boqolkiiba 7 halka midda Ruto ay hoos u dhacday boqolkiiba 4.
Darasaadkan ayaa Talaadadii lagu sameeyay qaab taleefoon ah waxaana ka qayb qaatay ilaa 1117 qof.