Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta magaalada Mombasa ee gobolka xeebta si rasmi ah uga furay shir goboleedka afaraad ee ururka caalamiga ee dacwad oogayaasha.
Kulanka ayaa socon doono muddo afar cisho ah waxaana looga gol-leeyahay in la isku weydaarsado siyaabaha ay waddamada xubnaha ka ah ururkan ay macluumaadka u wadaagi karaan si loola tacaalo dembiyada abaabulan ee saameeya qaaradda Afrika.
Sidoo kale shirka ayaa la filaya inuu xoojiyo wada shaqeynta ka dhexeysa dalalka Afrika si ka hor tagidda falal dambiyeedyada ay u noqoto mid wax ku ool ah.
Arrimaha si gaar ah loo eegaya waxaa ka mid ah dembiyada deegaanka , khiyaanooyinka maaliyadeed , argagixisada , musuqmaasuqa iyo weerarrada intarneetka.
Kulanka maanta ka furmay Mombasa ayaa waxaa ka qayb galaya in ka badan 200 oo ah wufuud matalaysa 32 dal oo ka tirsan kuwa qaaradda Afrika.
Waxay isugu jiraan agaasimayaasha dacwad oogidda, xeer ilaaliyaal , dacwad oogayaal iyo wakiillada hay’adaha aan dowliga ahayn.
Madaxweynaha ayaa dacwad oogayaasha ku boorriyay inay xaqiijiyaan inay ka madax bannaan yihiin falalka ay doonayaan inay la dagaallamaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xaqiijinta hufnaanta ay aad muhiim ugu tahay waaxyaha cadaaladda.
Uhuru Kenyatta ayaa dacwad oogayaasha iyo garsoorayaasha kula taliyay inay dhexdooda qiimeyn isku sameyaan oo ay hubiyaan in dhammaantood aynan ku lug lahayn falal dambiyeedyada uu musuqa ka midka yahay.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in qaaradda Afrika ay sanad kasta lumiso dakhli ka badan inta soo galo ugu yaraan 40 bilyan oo doolar.