Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta si rasmi ah u furay shirweynaha caalamiga ee loogu magacdaray Africities Summit oo qaybtiisi 9-aad lagu qabanaya ismaamulka Kisumu.
Dalladan ayaa waxaa ku mideysan caasimadaha waddamada qaaradda Afrika iyo maamulladooda hoose.
Kulanka oo soconaya muddo shan cisho ah ayaa waxaa ka qayb galaya in ka badan 8,000 oo wufuud ah oo ka kala yimid daafaha dunida.
Waxaa shirweynaha diiradda lagu saaraya doorka ay dalalka Afrika ka qaadan karaan dhaqangelinta hiigsiga horumarineed ee qaramada midoobay ee sanadka 2030-ka iyo qorshaha Midowga Afrika ee sanadka 2063-da.
Wasiirka wasaarada dowlad wanajiinta dalka Eugene Wamalwa ayaa horay u xaqiijiyay in diyaar garowga shirka uu socday muddo saddex maalmood ah .
Wamalwa ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo Kisumu ay martigelinayso munaasabaddaasi.
Waxaa uu xusay in Kenya ay helayso fursadii labaad ee ay ku martigelineyso xafladan iyadoo sanadkii 2006-dii shir kan la mid ah ay ku qabatay magaalada Nairobi.
Wasiirka gadiidka ee dalka James Macharia ayaa sheegay in magaalada Kisumu ay si weyn uga faa’iidaysan doonto martigelinta shirkan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in ballaarinta garoonka diyaaradaha ee magaalada Kisumu ay caddeyn cad u tahay in shirar noocaan oo kale ah lagu qabto meel ka baxsan magaalada caasimadda ah ee Nairobi.
Barasaabka Kisumu Anyang Nyong’o oo ah guddoomiyaha martida loo yahay ayaa sheegay in shirkan uu ku soo aadayo xilli magaalooyinka ay ka jiraan socdaalo badan oo miyiga ah.
Ajandaha shirkan ayuu barasaabka ku sheegay mid ku saabsan magaalaynta, iyo sida magaalooyinka dhexdhexaadka ah sida Kisumu loogu diyaarin laha inay wax ka qabato qulqulka dadka u soo guuraya magaalooyinka.
President Uhuru Kenyatta on Tuesday presided over the official opening of the 9th Africities Summit at Jomo Kenyatta International Stadium in Mamboleo. As part of the opening ceremony, the President participated in a High Level Dialogue on Infrastructure and Urban Devpt in Africa pic.twitter.com/kHbBBobyw8
— State House Kenya (@StateHouseKenya) May 17, 2022




