Qaar ka mid ah shacabka ku nool ismaamulka Kitui ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya Raila Odinga uunan hoggaamiyaha Wiper Kalonzo Musyoka u soo xulan ku xigeenkiisa.
Waxay hoosta ka xarriiqeen inay aad uga niyad jabeen tallaabada sida ay hadalka u dhigeen looga tashaday madaxa Wiper in kastoo labo xilli oo hore uu soo dhisay Raila.
Dadweynaha ayaa sheegay inay raacayaan jahada siyaasadeed ee uu u tilmaamo hoggaamiyahooda oo shalay shaaciyay inuu yahay musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga OKA.




