Martha Koome oo ku baaqday in kenyaanka ay ka heshiiyaan khilaafyadooda

0
426

Madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa shacabka ku boorrisay inay ka faa’iidaystaan siyaabaha cusub ee ay waaxda garsoorka ugu talagashay in lagu xalliyo murannada.
Xilli ay ku sugnayd ismaamulka Nakuru ayay Koome sheegtay in laga soo gudbay waayihii qaabka keliya ee khilaaf lagu xallin karo ay ahayd in la maro geeddisocod dheer oo maxkamadeed.
Waxay ku celcelisay in adeegsiga nidaamka cusub ee (AJS) iyo maxkamadda qaabilsan la tacaalidda sheegashooyinka yaryar ay dadweynaha fursad u siinayaan inay sida habboon heshiis uga gaaraan arrimaha ay kala tirsanayaan.
Garsoore Martha Koome ayaa intaasi ku dartay in sidoo kale hannaanka la soo bandhigay uu xoojinaya wadajirka bulshada iyo xasiloonida dalka.
Waxay carrabka ku adkeysay in waaxda ay hoggaamiso ay xoogga saarayso sidii loo furi lahaa albaabada cadaaladda iyadoo ay cid kasta adeegyadan si siman u helaysa.
Barasaabka ismaamulka Nakuru Lee Kinyanjui ayaa dhankiisa soo dhaweeyay tallaabada ay qaadday waaxda garsoorka dalka oo uu sheegay inay fududeyn doonto helidda cadaaladda.
Farqada 169-aad ee dastuurka dalka ayaa qeexaya in maxkamadaha yaryar ee loogu talagalay xallinta murannada bulshada ay dacwadaha loo gudbiyo ku soo gabagabeeyaan muddo 60 cisho ah.
Maxkamadda laga hirgeliyay Nakuru ayaa waxaa ka sii horreeyay kuwa Milimani, Kajiado, Thika, Machakos, Makueni, Naivasha, Eldoret, Nyeri iyo Kakamega oo dhammaantood hal sano gudaheeda lagu dhisay halka kuwo dheeraad ah la dhameystiri doono inta uunan sanadkan dhammaan.