Go’aankii uu Raila ku xushay Karua oo la soo dhaweeyay

0
542

Go’aankii uu shalay musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya Raila Odinga uu ku xigeenkiisa ugu xushay Martha Karua ayaa si wayn loo soo dhaweeyay.
Qaar ka mid ah haweenka hoggamiyaasha ah ayaa sheegay in Mr. Odinga uu muujiyay sida ay ugu wayn tahay in dumarka ay karti hoggaamineed leeyihiin.
Waxay intaasi ku dareen in fursadda ay heshay madaxa xisbiga Narc Kenya Martha Karua ay haweenka markii ugu horreysay taariikhda wadanka fursad u siin doonto inay ka dhex muuqdaan miiska ugu sarreeya ee go’aan qaadashada.
Raila ayaa dhanka kale soo dhisay ilaa 12 qaybood oo qaabilsan sare u qaadidda ololihiisa siyaasadeed oo ay ka mid yihiin xubno matalaya haweenka iyo dhallinyarada.
Waxaa uu Martha Karua ku ammaanay inay tahay geesiyad u soo halgantay dimuqraadiyadda wadanka iyo arrimaha cadaaladda.