Raila Odinga oo si rasmi ah u shaaciyay ku xigeenkiisa

0
505

Madaxa xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya Raila Odinga sidoo kalena u tartamaya xilka madaxweynaha wadanka xilliga doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqay go’aan ilaa shalay la sugayay.
Waxaa uu shaaciyay in wada tashi dheer ka dib uu madaxa xisbiga Narc Kenya Martha Karua uu soo xushay inay ku xigeen u noqoto.
Arrinkan ayuu gor dhaweyd shaaca kaga qaaday xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Raila Odinga ayaa dhanka kale u magacaabay hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka inuu noqdo madaxa wasiirrada haddii isbeheysiga Azimio uu ku guuleysto doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu afhayeenka aqalka sare u xushay haddii uu hoggaanka ugu sarreya ku guuleysto inuu noqdo xildhibaanka deegaanka Gatanga Peter Keneth.
Wasiirka wasaaradda dhulalka ayuu u xushay barasaabka ismaamulka Mombasa Xasan Cali Joho, halka uu wasiirka beeraha u xushay Peter Munya ahna mas’uulka jagadan hadda hayo.
Waxaa uu guddoomiyaha ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya u xushay inuu noqdo wasiirka wasaaradda maaliyadda.
Haddii Raila Odinga uu ku guuleysto hoggaanka ugu sarreeya ee dalka ayay waxay Martha Karua noqon doonta haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ku xigeen ka noqoto Kenya.
Mrs.Karua ayaa ka mid ahayd 11 ka musharrax ee loo soo xulay kuwaas oo la turxaan bixiyay, si xilliga doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan ay ku xigeen u noqdaan musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya Raila Odinga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here