Wakhtiga kama dambeysta ah ee musharrixiinta xilka madaxweynaha inay soo magacaabaan ku xigeennadooda oo maanta ku eg

0
360

Musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha dalka iyo kuwa isha ku haya jagada guddoomiyaha ismaamullada inay ku soo baxaan doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan ayaa waxa ay haystaan ilaa caawa saqda dhexe si ay u soo gudbiyaan ku xigeenadooda.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada wadanka ee IEBC oo ku howlan diyaarinta wakhtiyo adag oo doorashada ah ayaa 28-ka bishii hore ku daray wakhtiga kama dambeysta ah ee soo gudbinta magacyada ku xigeennadooda.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ka mid ah musharrixiinta u taagan hoggaanka ugu sarreeya dalka ee doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ayaa shalay ku xigeen u xushay xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri ,gobolka bartamaha wadanka Rigathi Gachagua.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here