Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:William Ruto oo si rasmi ah u shaaciyay ku xigeenkiisa

DHAGEYSO:William Ruto oo si rasmi ah u shaaciyay ku xigeenkiisa

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo u tartamaya xilka madaxweynaha wadanka xilliga doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqay go’aan ilaa shalay la sugayay.
Waxaa uu shaaciyay in wada tashi dheer ka dib uu xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri ,gobolka bartamaha wadanka Rigathi Gachagua uu u soo xushay inuu ku xigeen u noqdo.

Ruto ayaa siyaasigan ku ammaanay inuu kaalin wayn ka qaatay qorshaha ku saleysan in meel hoose laga soo billaabo kobcinta dhaqaalaha dalka ee ay adeegsanayaan madaxda isbeheysiga Kenya Kwanza.
Waxaa uu ku tilmaamay shakhsi dadaal badan oo ay daacadnimo ku dheehan tahay ku bixiyay ololaha xisbiga UDA iyo si guud Kenya Kwanza.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa Gachagua iyo dhigiisa Koonfurta Gatundu Moses Kuria u xilsaaray inay isku dubaridaan arrimaha dhaqaalaha ee ay u saareen guddi.
Waxaa uu ku amray inay xaqiijiyaan in muddo 45 cisho gudahooda ah lagu soo dhameystiro waaxyaha dhaqaale ee ismaamullada.
Xildhibaanka Mathira oo dhankiisa ka mahadceliyay fursadda hoggaamineed ee la siiyay ayaa ballanqaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono Ruto.
Waxaa uu wacad ku maray inuusan niyad jabin doonin Ruto , isbeheysiga Kenya Kwanza iyo si guud shacabka Kenyaanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments