Waxaa lagu wadaa in maanta shaca laga qaada cidda ku xigeen u noqon doonta musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA iyo isbeheysiga Kenya Kwanza ahna ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Madaxa isgaarsiinta ololaha madaxweyne ku xigeenka dalka Xuseen Maxamad oo saqdii dhexe xalay warbaahinta u qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in la gaaray go’aan ku saabsan cidda ku xigeen u noqon doonto William Ruto ee doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu intaasi ku daray in shalay oo dhan hooyga rasmiga ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ay ka socdeen kulamo wadatashi ah oo ay ka qayb galeen hoggaamiyaasha xisbiyada ka tirsan ama xulafada la ah isbeheysiga Kenya Kwanza.
Madaxdan waxaa ka mid ah Musalia Mudavadi oo hoggaamiyo xisbiga ANC,dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula ,Justin Muturi (DP) ,madaxa CCK Moses Kuria, Mwangi Kiunjuri(TSP),Amason Kingi(PAA), Alfred Mutua (MCC) iyo William Kabogo oo madax ka ah xisbiga Tujibebe.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray sii wadidda kulamada ku saabsan in kobcinta dhaqaalaha wadanka meel hoose laga soo billaabo oo qorshahan uu ismaamullada dalka ku lahaado qaybo matala.
Madaxda ayaa ku heshiiyay barnaamij lagu dhaqangelin karo nidaamkan oo uu ku ololeynaya madaxweyne ku xigeenka dalka iyo si guud isbeheysiga Kenya Kwanza.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in abaare 10-kii barqanimo ee shalay uu isbeheysiga Kenya Kwanza shaaciyo cidda ku xigeen u noqon doonta William Ruto, hasa ahaate ilaa saqda dhexe ee xalay oo la wada sugayay ayay sheegeen in maanta ay caddeyn doonaan mowqifkooda arrintan ku aaddan.
Madaxda la saadaalinaya inay ku xigeen u noqdaan musharraxa madaxweyne William Ruto ayaa kala ah, senetarka ismaamulka Tharaka Nithi Kithure Kindiki, xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri Rigathi Gachagua, hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi, barasaabka dowlad deegaanka Kirinyaga Anne Waiguru iyo afhayeenka golaha qaranka ee xeer dejinta dalka ee Justin Muturi.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa horay u shaaciyay in xisbiyada siyaasadeed ee wadanka ay haystaan ilaa 16-ka bishan oo berri ku beegan si ay u gudbiyaan magacyada musharraxiinta madaxweyne iyo ku xigeenadooda.