Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya In ka badan 10,000 oo aan weli ku biirin dugsiyada sare ee...

In ka badan 10,000 oo aan weli ku biirin dugsiyada sare ee Kisumu

Wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa sheegtay in caqabadaha ku xeeran hoos u dhaca tirada ardayda ku biiraya dugsiyada sare ee wadanka ay ka mid yihiin gabdhaha oo xilli hore uur qaado iyo carruurta oo lagu shaqeysto.
Arday ay tiradoodu kor u dhaafayso 10, 000 ayaan weli iska xaadirin dugsiyada sare ee ku yaalla toddobada deegaan ee Kisumu sida uu sheegay agaasimaha waxbarashada ee dowlad deegaankaasi Peter Munene.
Waxaa uu intaasi ku daray in waalidiinta qaar ay ku adkaatay bixinta qarashaadka waxbarasho ee carruurtooda sicir barar dhanka maciishadda oo wadanka ka jiro awgeed.
Maamulayaasha dugsiyada Kisumu ayuu Peter ku boorriyay inay tixgeliyaan culeysyada haysta waalidiinta oo ay qaabilaan ardayda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments