Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasaaradda maaliyadda oo lagu amray inay maareyso qiimaha shidaalka

Wasaaradda maaliyadda oo lagu amray inay maareyso qiimaha shidaalka

Kulankii golaha wasiirrada ee shalay ayaa qodobbadii ka soo baxay waxaa ka mid ah in wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka ay xaqiijiso in qiimaha lagu iibiyo noocyada kala duwan ee shidaalka gudaha wadanka uu yahay mid deggan oo aan sare u sii kicin.
Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa arrinkan shaaca uga qaadday bayaan ka kooban Siddeed bog oo ay soo saartay.
Waxaa qoraalka ku cad in shirkii shalay ay ka sii horreeyeen kulamo gaaraya 27 oo uu yeeshay guddiga golaha wasiirrada u qaabilsan dhaqangelinta barnaamijyada qaran ee horumarka iyo isgaarsiinta((NDICCC) oo ay ka wada tirsan yihiin wasiirrada iyo xeer ilaaliyaha qaranka.
Sidoo kale waxaa 31 kal-fadhiyo ah yeeshay guddiga farsamada ee dhaqangelinta horumarka qaran ee loo yaqaano (NDITC) oo ay xubno ka yihiin xoghayayaasha wasaaradaha dowladda.
Kal-fadhigii shalay ee golaha wasiirada ayaa lagu eegay xaaladda dhaqaale ee dalka iyadoo lagu saleynaya in sanadkii hore uu jiray kobac dhaqaale oo gaaraya boqolkiiba 7.5 marka la barbardhigo labo sano ka hor oo dhaqaalaha Kenya uu hoos u dhacay boqolkiiba 0.3 saameynta cudurka COVID-19 awgeed.
Wasiirrada ayaa xusay in dhibaatooyin badan oo caalamka ka taagan ay sababeen sicir barar dhanka qiimaha tamarta , shidaalka, cuntooyinka, agabka dhismaha iyo agabka beeraha.
Golaha wasiirrada ayaa shaaciyay in sanadkii 2020-kii , qiimaha fuustada shidaalka uu ahaa 40 doolar una dhiganta 4,648 oo shilin balse uu sanadkan gaaray 110 doolar.
Si Kenyaanka looga fududeeyo culeysyada ka dhashay kororka qiimaha shidaalka ayuu golaha wasiirrada ee dalka waxaa uu wasaaradda maaliyadda ku amray dhaqangelinta barnaamijka lagu xakameynayo qiimaha shidaalka.
Shirka golaha wasiiradda ayaa lagu soo hadal qaaday cunno yarida ka jirta gudaha dalka oo timid ka dib markii sanadkan aynan di’in ama dib u dhaceen roobabkii muddada dheeraa ee la rajeynayay.
Wasaaradda beeraha ayaa amar lagu siiyay inay dardargeliso helidda bacramin qiimihiisu la dhimay.
Golaha wasiirrada ayaa wasaaradda biyaha,maareynta nadaafadda iyo waraabka ku amray inay dedejiso dhisidda ceel biyoodyada hadda gacanta lagu hayo iyo keydka kala duwan ee biyaha si dhul badan loo waraabiyo.
Sidoo kale waxay xubnaha golaha wasiirrada tixgeliyeen hindise sharciyeedyo baarlamaanka uga soo gudbay , xeerar, heshiisyo heer gobo lama caalami ah iyo warbixin ku saabsan marxaladaha ay marayaan mashaariicda ay dowladdu dhaqangelinayso si gaar ah arrimaha waxbarashada, wax soo saarka beeraha, daryeelka caafimaad,ganacsiyada , kaabayaasha horumarineed, tamarta, warfaafinta iyo isgaarsiinta, warshadeynta, maalgashiga , xiriirka dibadda iyo difaaca iyo maalgashiga gaarka ah ee shirkadda Kenya Airways .
Golaha wasiirrada ayaa dowladda ismaamulka Laikipia u ansaxiyay inay qaadato amaah dhan 1.16 bilyan oo shilin oo lagu qarash gelinaya kaabayaasha horumarineed si loo helo biyo loo isticmaali karo wax soo saarka beeraha ee ismaamulkaasi.
Lacagtan ayaa maamulka Laikipia ka caawin doonto inuu wanaajiyo jawiga ganacsi iyadoo sare loo qaadaya tayada suuqyada iyo kaabayaasha magaalooyinka dowlad deegaankaasi.
Tani ayaa suurtagelin doonto in la abuuro fursado shaqo oo ay ka faa’iidaysanaya dadka deggan ismaamulkaasi si wax looga beddelo noloshooda.
Golaha wasiirrada ayaa ansaxiyay in waaxda adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS ay bixiso lacagaha ka maqan shirkado agab kala duwan ku wareejiyay.
Marka la eego barnaamijka wax soo saarka dowladda , golaha wasiirrada waxaa uu shalay dib u eegis ku sameeyay canshuurta laga qaado dakhliga ka soo xaroodo iibinta caleenta shaaha iyo qaxwada gudaha dalka iyo suuqyada dibadda labaduba.
Dhanka isgaarsiinta, golaha wasiirrada waxaa uu ansaxiyay xeerka loo yaqaano National Spectrum Policy oo isbeddel ku sameeyay qaabka loo bixiyo sidoo kalena loo maareeyo mowjadaha idaacadeed.
Sidoo kale waxay ansaxiyeen xeer xaqiijinaya in soo iibsashada agabka iyo qandaraasyada lagu saleeyo caddaalad , sinnaan , daahfurnaan, qiimo macquul ah iyo tartan si adeegga la qabanaya uu u noqdo mid u dhigmo lacagta ku baxaysa.
Xeer dhanka tirada dadweynaha ah oo uu golaha wasiirrada ansaxiyay ayaa qeexaya in dhammaan Kenyaanka ay xuquuq u leeyihiin caafimaad, waxbarasho, ammaan iyo horumar loo siman yahay oo tayo leh.
Sidoo kale wasiirrada ayaa qalinka ku duugay in la daadajiyo barnaamijka tababarka qareennada ee (ATP) si loo yareeyo tirada badan ee ardayda wax ka baranaya dugsiga sharciga ee dalka ee Kenya School of Law.
Wasiirrada ayaa sidoo kale shalay ansaxiyay in la tayeeyo dhismaha waddada isku xirta Garissa iyo Isiolo, maalgelinta, qaabeynta iyo dhisidda ceel biyoodka Bute oo ka tirsan Wajeer.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments