Marwada hoggaamiyaha xisbiga ODM ,Ida Odinga ayaa ku baaqday in la ilaaliyo xuquuqda dumarka si gaar ah xilligan oo la isku diyaarinaya doorasho guud.
Waxay ka digtay in haweenka u tartamaya jagooyinka kala duwan ee hoggaanka lagula kaco tacaddi jinsiyadeed.
Baaqan ayay dirtay xilli ay ismaamulka Kisumu uga qayb gashay xuska sanadguuradii 70-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay ururka horumarinta dumarka ee (MYWA) .
Waxay Ida Odinga hoosta ka xarriiqday in xilliyada doorashooyinka la dhibaateeyo haweenka musharraxiinta ah sidaas awgeedna loo baahan yahay in badqabkooda la xaqiijiyo.