Ganaaxa la saaro dibadbaxayaasha Ruushka oo la kordhiyay

0
735

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta qalinka ku duugay sharci lagu kordhiyay qiimaha lacagta ganaaxa ah ee laga qaado dadka dembiyada gaysta marka ay dhacayaan dibadbaxyada.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo kumanaan qof loo xiray ka qayb qaadashada mudaharaadyo lagu taageerayay madaxa mucaaradka ee dalkaas Alexei Navalny.
Cid kasta oo aan qaadan amarrada saraakiisha ammaanka marka ay dibadbaxyafa dhacayaan waxaa horay lagu ganaaxi jiray 1000 roubles oo ah lacagta dalkaas balse waxaa maanta ka dib la saarayaa 4,000 roubles oo u dhiganta 54.30 oo doolar.
Sidoo kale waxaa la xirayaa 15 cisho.