30,000 oo sanadkan ka qayb galaya xuska maalinta Madaraka Day

0
582

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in xuska maalinta Madaraka Day ee sanadkan lagu qaban doono beerta Uhuru Gardens ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa dabbaal degga si toos ah uga qayb geli doono 30,000 oo ruux ka dib markii la kordhiyay tiradii hore ee ahayd 10,000 maadaama ay yaradeen xaaladaha cudurka COVID-19.
Madaraka Day ayaa sanad kasta loo dabbaal degaa 1-da bisha Lixaad ee June waxaana la xusaa xilligii ay sanadkii 1963-dii Kenya yeelatay maamulka gudaha ka dib guumaysigii Ingiriiska.
Kibicho ayaa sheegay in diyaar garowga ku aaddan xuskan qaran uu hadda meel gebogabo ah maraya.
Waxaa uu intaasi ku daray in guddiga qaran ee qabanqaabada xuska maalinta Madaraka Day uu ka baaran degaya in dowladaha ismaamullada loo oggolaado inay deegaanadooda xaflado ku qabtaan 1-da June.
Xuska maalinta Madaraka Day ee sanadkan ayaa noqonaya midka ugu dambeeya ee maamulka Jubilee maadamaa bisha Siddeedaad ee sanadkan ay dalka ka dhici doonto doorasho guud.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here