Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Sarkaal horay uga tirsanaa KRA oo dowladda ku wareejinaya hanti dhan 278...

Sarkaal horay uga tirsanaa KRA oo dowladda ku wareejinaya hanti dhan 278 milyan

Maxkamadda sare ee dalka ayaa guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC u oggolaatay inuu Jeremiah Kamau Kinyua oo horay uga mid ahaa shaqaalaha maamulka canshuuraha ee KRA ugala wareego hanti qiimaheedu yahay 278 milyan oo shilin.
Hantidan oo uunan Kamau ku guulaysan inuu caddeeyo sida uu ku helay ayaa lagu wareejinaya dowladda.
Guddiga EACC ayaa laga soo xigtay in Jeremiah Kamau Kinyua oo iska casilay shaqada KRA bishii Saddexaad ee sanadkii hore uu qaab sharci darro ah ku helay lacagtan maadaama ayna isku dhigmin hantidiisa iyo dakhliga soo galayay.
Hantida ayaa waxaa qayb ka ah 18 dhulal oo ku kala yaalla Nairobi, Ruiru oo ka tirsan Kiambu, Laikipia , degmada Kitegela ee Kajiado iyo labo baabuur oo uu qiimahoodu yahay 181 milyan sidoo kale lacago ugu keydsan akoonno bangiyeed iyo Mpesa oo dhan 91.6 milyan oo shilin.
Baaritaannada ayaa muujinaya in sarkaalkan uu hantidan yeeshay muddo toddobo sano ah in kastoo mushaarkiisa billaha uu ahaa 120,000 oo shilin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments