DHAGEYSO:Waalid canuggiisa uga dhex tagay dugsi aan u soo bixin

0
644

Waxaa lagu soo warramayaa in mid ka mid ah waalidiinta deegaanka Ikolomani ee ismaamulka Kakamega uu canuggiisa geeyay ka dibna uga dhex tagay dugsi ku yaalla Nanyuki oo ka mid ah dowlad deegaanka Laikipia.
Ardayda ay xaaladdan la soo daristay ayaa lagu magacaabaa Brian Sagamu.
Ardaygan ayaa imtixaankii KCPE-da ka helay buundo dhan 387 waxaana looga yeeray dugsiga sare ee Olelaisa ee ismaamulka Kajiado.
Brian oo sheegaya in waalidkiisa uunan uga tagin buugaag , lacag iyo xita dareeska ardayda ayaa dareenkiisa sidan u muujiyay .

Maamulaha dugsigaasi iyo guddoomiyaha guddiga xaruntaasi maamulo ayaa ardayga qaabilay waxayna sheegeen inay inta awoodooda ah caawin doonaan.

Qaar ka mid ah waalidiinta dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay walaac ka muujinayay inay aad ugu adkaatay in carruurtooda ay u iibiyaan waxyaabaha ka caawin karo dhanka tacliinta sicir bararka dhanka maciishadda ee dalka ka jiro awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here