DHAGEYSO:Siyaasiyiinta oo lagu boorriyay inaynan bulshada kala qaybin

0
608

Barasaabka ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta Salim Mvurya iyo guddoomiyaha dowladda dhexe halkaasi ku matalo ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ugu baaqay inay aad uga fiirsadaan hadallada iyo jeedinayaan.
Waxay sheegeen inay lagama maarmaan tahay in qofka mas’uulka ah uu miisaamo hadalkiisa oo uu ka fikiro saameynta ka dhalan karto inta uunan jeedin.
Mvurya iyo Gideon Oyagi ayaa dadweynaha u sheegay in xita marka doorashada bisha Siddeedaad ee sanadkan laga gudbo ay ku sii wada noolaan doonaan deegaannadooda sidaas awgeedna aynan jirin sabab loogu kala qaybiyo qabiil, diin ama siyaasad.