Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Canada oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan waqooyi bari

Canada oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan waqooyi bari

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan digniin ay dowladda Canada u dirtay muwaadiniinta uga sugan gudaha Kenya si gaar ah inaynan u safrin deegaannada xuduudda la leh waddamada Soomaaliya , Suudaanta Koonfureed iyo Itoobiya.
Ismaamullada lagu xusay bayaanka safaaradda Canada ee magaalada Nairobi ayaa kala ah Mandera, Wajeer, Garissa, Tana River , Kilifi iyo Lamu oo ay horay uga dhaceen falal argagixiso iyo afduub.
Waxaa liiska ismaamullada muwaadiniinta Canada looga digay inay u safraan ka mid ah Turkana iyo Marsabit oo ay saameeyeen falalka amni darro ee ku saleysan dhaca xoolaha.
Bayaanka waxaa ku cad inay jirto halis argagixiso oo ajaaniibta lagu bartilmaameedsan karo Nairobi, Naivasha, Nanyuki, Meru, Narok iyo xeebta dalka.
Sidoo kale shacabka Canada ee ku nool Nairobi ayaa lagula taliyay inay xaddidaan dhaqdhaqaaqooda Islii ,Kibera iyo Pangani maadaama ay ku badan yihiin falal dambiyeedyada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments