Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay yeesheen xubnaha golaha wasiirrada ee wadanka.
Shirka oo lagu qabtay madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Waxaa kulanka diiradda lagu saaray arrimo badan oo isugu jiro kuwo qaran iyo caalami .
Waa markii ugu horreysay oo ay golaha wasiirrada ee dalka kulmayaan tan iyo 18-kii bishii labaad ee sanadkii hore wuxuuna ku soo aadaya maalmo un ka dib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku xigeenkiisa ku eedeyay inuusan kala shaqeyn u adeegidda shacabka.
Khilaafka labada mas’uul ee ugu sarreysa dalka ayaa soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2018-kii ka dib heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex maray Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.