Guddi ku xigeen u raadinayay Raila oo berri warbixin soo saari doono

0
452

Guddi ka kooban toddobo xubnood oo maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa turxaan bixinta musharraxiin u tartamaya xilka madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa berri warbixin soo saari doono.
Waxaa la filayay in guddoomiyaha xisbigan Dr. Noah Wekesa uu maanta shaaca ka qaado magacyada saddex musharrax oo turxaan bixinta ku soo baxay si ay ugu wareejiyaan musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya Raila Odinga.
Hasa ahaate waxaa uu warbaahinta u sheegay inay warbixintooda soo bandhigayaan berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12-ka bishan Shanaad.
Dib u dhaca yimid ayuu Noah Wekesa u aaneeyay in Raila Odinga uunan ku sugnayn Nairobi maadaama uu olole siyaasadeed maanta ka sameynaya ismaamulka Tana River.
Guddiga ayaa wareysiyo la yeeshay siyaasiyiinta kala ah madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka, wakiilka haweenka ee Murang’a Sabina Chege , madaxa xisbiga Narc-Kenya Martha Karua ,Charity Ngilu oo hoggaamiso xisbiga (NARC), xildhibaankii hore ee deegaanka Gatanga Peter Kenneth , barasaabka Mombasa Cali Xasan Joho, dhigiisa Kakamega Wycliffe Oparanya, guddoomiyaha Nakuru Lee Kinyanjui, wasiirka beeraha Peter Munya iyo Stephen Tarus oo matalayay xisbiga NLP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here