Baadariga ugu wayn kaniisadaha katholigga Pope Francis ayaa sheegay in dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine iyo dhiigga ku daatay uu la mid yahay midkii Rwanda xasuuqa u horseeday sanadkii 1994-tii.
Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay inuu codsaday inuu kulan la qaato madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin.
Pope Francis ayaa wargeyska ka soo baxa gudaha Talyaaniga ee Corriere Della Sera u sheegay in Putin uu farriin u diray markii ciidamadiisa difaaca ay gudaha Ukraine ka dagaallamayeen 20 cishe.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu diyaar u ahaa inuu u safro caasimadda Ruushka ee Moscow.
Baadariga ayaa xusay in ilaa iyo hadda aan dhambaalkii uu diray looga soo jawaabin in kastoo ay weli ku adkeysanayaan in Ruushka uu joojiyo duullaanka militari.
Waxaa uu intaasi raaciyay inuu dareemayo in madaxweyne Putin uunan xilligan rabin inuu qayb ka noqdo kulan ku saabsan xal u helidda dagaalka Ukraine.