Waalidiinta oo walaaca ka muujinaya qiimaha waxyaabaha ay ardaydu isticmaalaan

0
629

Iyadoo dib loo furay xarumaha waxbarashada oo ay ardayda fasalka koowaad ku biireen dugsiyada sare ayay waalidiinta walaac xooggan ka muujinayaan qiimaha sare ee waxyaabaha aasaasiga ah.
Tani ayaa qayb ka ah culeysyada ka dhashay sare u kaca maciishadda oo loo aaneeyay qiimaha shidaalka ee kordhay.
Waxay waalidiintu sheegayaan inay ku adkaatay inay carruurtooda ku iibiyaan badeecooyinka u fududeynaya howlaha tacliinta sida buugaagta , labiska waxbarasho iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah ardayda.