Booliska Narok oo baaraya dhacdo uu isku toogtay wiil uu dhalay xildhibaan David Sankok

0
595

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Narok ayaa baaritaano ku haya dhacdo uu maalin ka hor isku dilay wiil uu dhalay xildhibaan David Ole Sankok oo baarlamaanka si magacaabid ah ku galay.
Dilka ayaa ka dhacay hooyga mudanaha ee ismaamulka Narok.
Booliska ayaa dabagal ku sameynaya sida ay wiilka ugu suurtagashay inuu gacanta ku dhigo bastoolad la sheegay inuu leeyahay aabihiisa oo uu naftiisa uga takhalusay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wiilka uu is dilay abaare 3-dii galabnimo ee shalay iyadoo uu aabihii muran kala dhexeyay ka dib markii uu diiday inuu waxbarashada sii wato.
Warbixinta booliska ayaa tilmaamaysa in wiilka ay ahayd inuu dugsiga sare iska xaadiriyo toddobaadkii hore balse uu isticmaalay qarash la siiyay sidoo kalena uu dafiray amarka aabihii ee ahaa inuusan iskaga bixin dugsiga.
Xildhibaan David Ole Sankok ayaan guriga ku sugnayn markii uu wiilkiisa is dilayay.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ayaa tagay goobta waxayna meydka wiilka u qaadeen goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Narok si baaritaano loogu sameeyo.
Murugada la soo daristay xildhibaan Sankok ayaa waxaa uga tacsiyeeyay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo qoraal soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka.
Odinga ayaa xusay inaynan arrin fudud ahayn in waalid uu waayo canug uu dhalay sidaas awgeedna uu xildhibaanka la murugoonaya xilligan adag.
Qoyska mudanaha ayaan weli faahfaahin ka bixin sida ay wax u dhaceen.