Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya oo ka mid ah waddamada laga xusaya maalinta xurriyadda saxaafadda adduunka

Kenya oo ka mid ah waddamada laga xusaya maalinta xurriyadda saxaafadda adduunka

Kenya ayaa ka mid ah dalalka caalamka ee maanta laga xusaya maalinta xurriyadda warbaahinta adduunka oo sanad kasta loo dabbaal dego 3-da bisha Shanaad ee May.
Agaasimaha dhanka tababarka iyo horumarinta aqoonta wariyaasha ee golaha warbaahinta dalka ee MCK Victor Bwire ayaa sheegay in suxufiyiinta kenyaanka si la mid ah qaybaha kale ee bulshada ay wajahayaan culeysyo nololeed.
Waxaa uu bogaadiyay in gudaha Kenya ay ka jirto madax bannaani warbaahineed oo lagu faani karo in kastoo mararka qaar ay dhacaan xadgudubyo lagula kaco wariyaasha.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha waxbarashada , sayniska iyo dhaqanka ee UNESCO ayaa sheegtay in 3-da May ay tahay maalin dowladaha caalamka xusuusinaysa waajibaadka ka saaran xaqiijinta madax bannaanida suxufiyiinta iyo shirkadaha warbaahineed.
Maalinkan ayaa la jeediyaa farriimo ka dhan ah in warfidiyeennada lagu cabburiyo shaqooyinkooda halka la xusuusto nolosha wariyaasha ku nafwaayay gudashada waajibaadkooda shaqo.
Sanadkii 1993-dii ayay ahayd markii golaha guud ee qaramada midoobay uu ansaxiyay in sanad kasta 3-da bisha Shanaad caalamka looga dabbaal dego maalinta madax bannaanida warbaahinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments