DHAGEYSO:Wakiillada Garissa oo ka hadlay sababta ay u ansaxiyeen BBI

0
845

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Garissa oo shalay si aqlabiyad leh u ansaxiyay hindise sharciyeedka BBI ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen ay ku saleyeen in marka geeddisocodkan la soo gabagabeeyo dowlad deegaannada ay miisaaniyad dheeraad ah ka helayaan dowladda dhexe.
Waxaa uu qorshuhu yahay in lacagta ay dowladda dhexe siiso ismaamullada oo ah boqolkiiba 15 laga dhigo 35 boqolkiiba.
Sida laga soo xigtay guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Garissa Ibraahim Cabbaas waxay tixgeliyeen arrinkan, dhaqaalaha goluhu uu u baahan yahay iyo in ay ku sharfaan senatarkii dowlad deegaankas ee geeriyooday 15-kii bishan ahaana guddoomiyaha BBI Maxamad Yuusf Xaaji.
Wakiilka deegaanka hoose ee Abaqayle Maxamad Cali Sheekh ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aankii ay ku ansaxiyeen BBI

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa dhankiisa wakiillada uga mahadceliyay tallaabada ay qaadeen.