Faah faahin laga helayo 4 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada Narok iyo Mai Mahiu

0
622

Waxaa maalmihii la soo dhaafay sare u kacay shilalka laga soo tabinayo qeybo ka mid ah dalkani Kenya.
Darawaliinta ayaana loogu baaqay inay taxadar dheeraad ah muujiyaan xiliyada fasaxa.
Shilkii ugu dambeeyay ayaa waxaa uu ka dhacay aagga loo yaqaano Ratili ee waddada xiriirisa magaalooyinka Narok iyo Mai Mahiu waxaana ku dhintay afar qof.
Shilkan ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen gaarika dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka qaada.
Dhaawaca shilka oo aan tiradoodu la shaacin ayaa la geeyay isbitaalka wayn ee Narok si ay daryeel caafimaad u helaan.