Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo maanta Kenyaanka ku hogaamin doona daawashada Meydka Kibaki

0
481

Madaxweynaha dalkani Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shacabka Kenyaanka ah ku hoggaamin doona maanta daawashada meydka madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki .
Mwai Kibaki ayaa geeridiisa la xaqiijiyay jimcihii aynu soo dhaafnay.
Waxaa uuna ku dhintay da’da 90 sano jir.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in baarlamaanka uu soo xaadiro 10:00 barqanimo iyadoo dhammaan mas’uuliyiinta kale ee dalka ay Baarlamaanka tagi doonaan 9-ka subaxnimo ee saaka.
Meydka Kibaki ayaa baarlamaanka ku jiri doona muddo saddex maalmood ah ka hor inta aan loo sameynin aas qaran.
Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka xarunta aqalka Baarlamaanka ee dalka iyadoo dadweynaha iyo mas’uuliyiinta loo ogolaan doona inay daawadaan meydka Kibaki.
Dhanka kale, laga bilaabo bari dublamaasiyiinta, iyo siyaasiyiinta kale ayaa iyaguna loo ogolaan doonaa inay tagaan xafiisyada gaarka ah ee madaxweynihii hore ee dalka kuwaas oo ku kala yaala ismaamulka Nyari iyo Nairobi si ay ugu tacsiyadeeyaan qoyskiisa.
Jimcaha soo socota oo ay taarikhdu ku beegan tahay 29 bishan April ayay dowladu ku dhawaaqday inay tahay fasax qaran .
Waxaana Mr Kibaki aas qaran loo sameyn doona 30-ka bishaan April.