Madaxweynaha dalka oo sheegay in Kenya ay ka shaqeyn doonto amniga Afrika

0
907

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa mar kale carrabka ku dhuftay in dowladda Kenya ay xubinimadeeda golaha ammaanka ee qaramada midoobay kaga faa’iidaysan doonto u ol-ololeynta xasiloonida Afrika.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay Kenya si gaar ah diiradda u saari doonto isbeddelka cimilada iyo arrimaha amniga.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhanka kale golaha ammaanka ee qaramada midoobay ka codsaday inuu taageero tallaabooyinka ay wadamada Afrika kaga hor tagi karaan saameynta isbeddellada cimillada.
Waxaa uu ku celceliyay in caqabaddan ay qaaradda ku leedahay saameyn ballaaran oo dhaqaale.
Hoggaamiyaha dalka ayaa arrimahan ka hadlay galinkii dambe ee shalay xilli uu madaxtooyada State House kaga qayb galay shir online ah oo uu yeeshay golaha amniga ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.