DHAGEYSO:Hooyada ardayga ugu buunddada wanaagsan Wajeer oo baaq dirtay

0
631

Bishaaro Aadan waa hooyada Cabdirisaaq Rashiid Cabdille oo imtixaanka KCSE-da ee shalay natiijadiisa la shaaciyay ismaamulka Wajeer ku hoggaaminaya isagoo helay buunddada labaad ee A- .
Waxaa ay sheegtay in marka ugu horreysay guusha uu ardaygu gaari karo ay ku xiran tahay dadaalkiisa marka laga soo tago taageerada macallinka.
Hooyadan ayaa waalidiinta gobolka waqooyi bari ugu baaqday inay si dhow ula socdaan waxbarashada carruurtooda oo ayna ku dhiirigeliyaan inay dadaalaan.
Waxay hoosta ka xarriiqay in kastoo aynan iyada wax baran haddan inay walaalkeed la kaashan jirtay la socodka heerka waxbarasho ee wiilkeeda sidaasina laga doonayo waalid kasta.