Golaha imtixaannada qaran ee KNEC ayaa dhinac iskaga dhigay natiijada ay imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ka soo hooyeen arday gaaraya 441 oo lagu helay inay khiyaano sameeyeen.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in aan wax beer jillec ah loo muujin ardayda ku kacay falalka liddiga ku ah maareynta imtixaannada shahaaddiga sidaas awgeedna laga qaaday tallaabada ku habboon.
Sidoo kale golaha KNEC ayaan weli soo saarin natiijada hal dugsi oo weli baaritaano dheeraad ah lagu haya.
Wasiir Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in khaladaadka sanadkan dhacay ay ka mid ahaayeen arday sitay taleefoonada gacanta,qoraallo aan loo oggoleyn iyo kuwo la qabtay iyagoo imtixaanka u sameynaya arday kale.
Kiisaska la xiriira warqadaha sharci darrada ee gacanta lagu dhigay ayaa gaaraya 203, taleefoonada gacanta waa 223 halka 8 ay arday kale imtixaanka u sameynayeen.
Waxaa natiijada imtixaanka KCSE-da ee dalka ugu horreeyay Jeriel Ndeda Obura oo wax ka bartay dugsiga sare ee Mangu High isagoo helay buundo dhan 87.167.
Wasiirka waxbarashada ee wadanka Prof. George Magoha ayaa dhanka kale xusay in ardayda ay natiijooyin wanaagsan ka heleen 11 maadooyin ah halka sanadkii 2020-kii tiradan ay ahayd 19.
Buundada ugu sarreysay ee A Plain waxaa helay arday gaaraya 1,138 oo isugu jira 349 gabdhood iyo 789 wiilal ah.
Buundada C+ ee ah midda ugu hooseysa ee lagu barto culuunta shahaaddada Degree ee jaamacadaha waxaa imtixaanka KCSE-da ee sanadka 2021-ka ,ka soo hooyay arday dhan 145,000 kuwaasoo ku biiri doono jaamacadaha kala duwan ee dalka.