Beeralayda ku nool deegaannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs ayaa lagu wadaa inay ka faa’iidaystan barnaamij maalgelin ah oo ay iska kaashanayaan hay’adda bangiga KCB u qaabilsan tabarucaadda ee KCB Foundation iyo hay’adda horumarka caalamiga ee Maraykanka ee USAID.
Mashruucan ayaa ku kacaya lacag dhan 100 milyan oo shilin.
Marka laga soo tago maalgelinta , beeralayda ayaa sidoo kale tababarro loo fidin doonaa.
Tababarrada ayaa noqonaya kuwo ku saabsan siyaabaha wax soo saarka ee ay beeralayda adeegsan karaan xita iyadoo ay jirto saameynta isbeddelka cimillada.
Iskaashiga laba geesoodka ah oo soconaya muddo labo sano ah ayaa sidoo kale looga gol-leeyahay in lacagta qorshahan ku baxaysa lagu gaarsiiyo 500 oo milyan.
Sanadka ugu horreeya ee iskaashigan , bangiga KCB ayaa shaqalihiisa siinaya tababar ku saabsan maalgelinta xoolaha.
Sidoo kale ugu yaraan 50 ka mid ah iskaashatada xoola dhaqatada iyo beeralayda ayaa heli doono taageero dhanka farsamada ah si ay sare ugu qaadaan wax soo saarkooda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo abaarta ku dhufatay gudaha wadanka awgeed , in ka badan 2.5 milyan oo qof ay qarka u saaran yihiin macluul iyo saboolnimo.
Wajiga koowaad ee maalgelinta waxaa ka faa’iidaysan doono beeralayda ismaamullada Laikipia, Baringo, Samburu, Taita Taveta, Narok, Kajiado, Mombasa, Kwale, Kilifi, Marsabit halka wajiga labaad laga dhaqangelin doono Isiolo, Wajeer, Tana River, Lamu, Garissa, Turkana, West Pokot, Busia, Mandera iyo Kitui.