Isbeheysiga Azimio-One Kenya oo guddi u saaraya cidda ku xigeen u noqonaysa Raila

0
465

Golaha isbeheysiga siyaasadeed ee Azimio-One Kenya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi ayaa shaaciyay inuu soo saari doono guddi ka tala bixinaya xulashada cidda ku xigeen u noqonaysa musharraxa madaxweyne Raila Odinga.
Agaasimaha doorashooyinka ee xisbiga ODM Junet Maxamad ayaa sheegay in isbeheysi ahaan ay taageerayaashooda u xaqiijinayaan inay ka go’an tahay sidii Mr. Odinga uu bisha Siddeedaad ee sanadkan ugu guulaysan lahaa hoggaanka wadanka.
Junet ayaa sheegay in guddiga la soo magacaabaya uu musharraxa madaxweyne ee Azimio-One Kenya , Raila Odinga u gudbin doono liiska siyaasiyiinta u qalmo inay madaxweyne ku xigeen u noqdaan.
Waxaa uu intaasi ku daray inay guddiga qaran ee fulinta ee isbeheysigan ku amreen inuu si degdeg ah u diyaariyo istaraatiijiyad suurtagelinaysa in ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya uu noqdo madaxweynaha xiga.
Kulanka maanta oo uu shir guddoomiyay madaxweynaha dalka ahna guddoomiyaha golaha isbeheysiga Azimio-One Kenya , Uhuru Kenyatta ayaa la isugu yeeray si looga hadlo arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay in la dejiyo xasaradda ka taagan xulashada ku xigeenka Raila.
Junet Maxamad ayaa sidoo kale xusay inay caddeeyeen sida ay uga go’an tahay in doorashada guud ay ku qabsoonto jawi nabad ah iyo inay xasilooni jirto codeynta ka dib.
Sidoo kale waxaa kulanka maanta ka soo baxay qodob ah in la soo dhiso guddi qaabilsan xallinta murannada ka dhasha doorashooyinka.
Isbeheysigan ayaa ku dadaalaya sidii uu aqlabiyad ugu yeelan lahaa baarlamaanka iyo golayaasha hoose ee 47-da dowlad deegan.
Shirka maanta waxaa sidoo kale ka qayb galay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga, hoggaamiyaha Narc-Kenya Martha Karua, dhigeeda Wiper Kalonzo Musyoka, madaxa xisbiga KANU Gideon Moi, barasaabka Mombasa Cali Xasan Joho iyo mas’uuliyiin kale.