Raila Odinga oo toddobaadkan u safraya Maraykanka

0
549

Waxaa la filayaa in Jimcada soo socoto uu musharraxa madaxweyne ee Azimio-One Kenya, Raila Odinga uu safar qaadan doono hal isbuuc ugu ambabaxo Maraykanka.
Afhayeenka ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Dennis Onyango ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in safarka Mr. Odinga uu ku saleysan yahay taageero siyaasadeed oo uu ka raadsanaya beesha caalamka isagoo faahfaahin ka bixin doono qorshihiisa ku aaddan la wareegidda talada dalka.
Hoggaamiyaha ODM ayaa ugu horreyn magaalada Washington DC kula kulmi doono xubnaha madowga ah ee ka tirsan Kongareeska dalkaasi iyo mas’uuliyiin kale.
Dennis Onyango ayaa warbaahinta u sheegay in Mr. Odinga uu u sii gudbi doono magaalada San Francisco ee gobolka California in kastoo aan weli faahfaahin dhameystiran laga bixin jadwalkiisa magaaladaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hoggaamiyaha ODM ay safarkiisa Maraykanka ku wehelin doonaan madaxa xisbiga Narc Kenya ,Martha Karua, barasaabka ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya, dhigiisa Kisii James Ongwae , xildhibaanadii hore ee deegaanka Aldai , Sally Kosgey, senatarka dowlad deegaanka Homa Bay Moses Kajwang, mudanaha deegaanka Kathiani Robert Mbui iyo xubno kale.
Siyaasiyiintan ayaa dalka dib ugu soo laaban doono 29-ka bishan Afaraad.
Socdaalka Raila Odinga ayaa ku soo beegmaya hal bil ka dib safarkii uu ku tagay Ingiriiska halkaasi oo uu khudbado ka jeediyay xarunta xoghaynta waddamada barwaaq sooranka ee Commonwealth iyo machadka arrimaha caalamiga ee Royal Institute.