Abaarta 16 ismaamul oo sii xumaan karta

0
407

Maamulka qaran ee maareynta abaarta ee NDMA ayaa soo saaray digniin ah inay sii xumaan karto xaaladda abaareed ee ka jirta 16 ka mid ah 23 dowlad deegaan oo lagu tilmaamo oomana.
Ismaamulladan ayaa kala ah Marsabit, Mandera, Wajeer,Samburu, Isiolo, Baringo iyo Turkana.
Liiskan waxaa kale oo ku jira Garissa, Kitui, Kilifi, Kwale , Laikipia, Lamu ,Meru, Nyeri iyo West Pokot.
Meelaha xaalad abaareed oo aan darneyn ay ka jirto ayaa kala ah Kajiado, Narok, Makueni, Taita Taveta, Embu(Mbeere) iyo Tana River.
Maamulka maareynta abaarta ee NDMA ayaa laga soo xigtay in shacabka ku nool bariga Wajeer iyo bariga Mandera ay u baahan yihiin gargaar baniaadannimo.
Waxaa uu maamulku intaasi ku daray inuu si dhow isha ugu haya xaaladaha Mandera ,Laikipia, Samburu, Wajeer ,Baringo, Isiolo, Kwale , Marsabit iyo West Pokot oo uu daaqa ku sii yaraanaya sidaas awgeedna loo baahan yahay in la xoojiyo qorshayaasha falcelinta.